Sheekada Bakayle Biitar

Beri hore waxaa jiray 4 bakayle oo yar yar magacyadooduna waxay ahaayeen .

Faloobsi
Mobsi
Dib-Cudbi
Iyo Biitar

[Illustration]

Waxay la Noolaayeen Hooyadood oo ku noolayd geed wayn jiridiisa Hoostiisa.

[Illustration]

Maalin maalmaha kamida hooyadood waxay aaday suuqa si ay ugu soo iibiso Roodhi , waxay soo qaadatay saladeedii iyo dalada roobka .

[Illustration]

Biitar ayaa waydiiyay hooyadii ma aadi karnaa dibada, waxayna u sheegtay in ay bixi karaan laakiin aysan aadin beerta Maakriigar sababtoo ah aabahood halkaas markuu aaday dib uma soo laabanin.

[Illustration]

Haye hooyo ayay ku dheheen bakaylayaashii yar yaraa , hooyadoodna waxay aaday suuqa.

Bakaylayaashii waxay waxay xidheen jaakadahoodii iyo kabahoodii iyagoo dibada u baxaya.

[Illustration]

Moobsi, ayaa arkay midho aad u macaan oo geed ku yaal markii ay dibada u soo baxeen waxayna u kala ordeen geedkii marka laga reebo Biitar .

[Illustration]

Biitar wuxuu dhahay ma doonayo midhaha aad cunaysaan waxaan aadayaa beerta maakriigar .

[Illustration]

Intaas kadib biitar wuxuu soo galay beertii isagoo ku boodboodaya alwaaxyo meesha yaalay si aan shanqadhiisa loo maqal , biitar wuxuu yiri ” waxaan ku arkaa caleemo cagaaran meel kasta ” wuxuuna cunay xoogaa digir , Kaarooto iyo saladh ah .

[Illustration]

Biitar wuxuu yidhi “Khudaartan aad bay u macaan badantahay waa inaan cunaa kuwo kalena”

[Illustration]

ka dibna wuxuu soo aaday dhinaca kale ee beerta markii uu yimaadayna wuxuu arkay ninkii beerta lahaa maakriigar .

[Illustration]

Maakriigar ninkii beerta lahaa wuxuu ku qayliyay bakaylihii wuxuuna soo caydhsaday bakaylihii isagoo leh ” istaag tuugyohow”.

[Illustration]

Biitar xoog ayuu orday intii uu sii cararayayna waxaa ka lumaysa kabtiisii ninkii beeralayda ahaa ayaana qaadanaya sidoo kalena kabtii kale ayaa ka dhacaysa biitar , biitar wuxuu lumay oo albaabkii ayuu waayay isagoo albaabkii baadhaya waxaa la siibatay meel kadibna shabag ayuu ku dhacayaa .

[Illustration]

Biitar badhamada jaakadiisii waxaa qabsanaya shabagii biitar aad ayuu u ooyayayaa isagoo isku dayay in uu ka baxo laakiin wuu ka bixi kari waayay .

[Illustration]

Biitar wuxuu ka dalbanayaa shimbiro kor marayay inay caawiyaan , shimbirhii waxay ku dhahayaan biitar ha ooyin annagaa kaa saaraynee waxayna ku guulaysanayaan inay ka saaraan shabagii .

[Illustration]

Ugu danbayntii biitar wuu ka baxayaa shabagii laakiin ninkii beeralayda ahaa wali wuu baacsanayaa , biitar aad ayuu u cararayaa . Ninkiina wuxuu dhahayaa “istaag waryaa ” .

[Illustration]

Ugu danbayntii Biitar wuxuu galayaa qol beerta ku dhexyaala oo ay yaalaan qalabkii beertu biitar wuxuu galayaa sakeel ay biyo ku jiraan oo qolka dhex yaalay.

[Illustration]

Ninkii beeralayda ahaa wuxuu soo galayaa qolkii isagoo ka baadhaya Biitar , alaabtii qolka taalay ayuu mid mid uga baadhayaa isagoo leh “xagee ku jirtaa bakaylayohow” maakriigar wuxuu u soo dhawaaday biitar .

[Illustration]

Biitar waxaa qabatay hindhiso balse wuu isku celin kari waayay ugu danbayna wuu hindhisay kadibna ninkii ayaa soo aaday xagiisii Biitar markii ninkii is dhahay qabo wuxuu ka soo booday sakeelkii wuuna cararay.

[Illustration]

Maakriigar ayaa soo caydhsaday biitar , Biitarna wuu sii cararay , ugu danbayn maakriigor wuu ka hadhay bakaylihii Biitar .

[Illustration]

Balse Biitar wuu lumay isagoo baadhaya albaabkii wuxuu arkayaa Jiir , Jiirkii ayuu waydiinayaa meeyay albaabku jiirkiina wuu ka cararayaa kadib.

[Illustration]

Biitar wuxuu arkayaa bisad biyo korkeeda taagan oo kaluun gaadaysa.

[Illustration]

Bisadii ayuu ka dhuumanayaa ugu danbayna wuxuu helayaa albaabkii laakiin waxaa joogay ninkii beeralayda ahaa

[Illustration]

Biitar isagoo ordaya ayuu ka baxayaa ilbaabka xagiisa hoose.

[Illustration]

Markii uu gurigii tagay wuxuu imaanayaa hooyadii oo cunto karinaysa iyo walaalihii oo cunaya roodhidii hooyadii ayaana maagaysa yadoo ku canaananaysa jaakadii iyo kabihii uu tuuray.

[Illustration]

Biitar waxaa la siinayaa shaah .

[Illustration]

Waxaana isaga iyo walaalihii ay aadayaaa sariirta si ay u seexdaan .

[Illustration]