Sheekada Wini de buu iyo geedkii malabka


Beri hore waxaa jiray xayawaan lagu magacaabo Wini de buu oo ku noolaa kaynta wini de buu wuxuu ku hoos noolaa geed jiridii.

Maalin maalmaha kamida wini de buu wuxuu bilaabay inuu socdo , sidii uu u socday wuxuu soo gadhay meel kaynta looga bixi karo , meeshan uu yimi waxaa ku dhex yaala geed aad u wayn oo xagiisa sare uu ka soo baxayo cod aad u dheer .



Wini de buu wuxuu fadhiistay geedkii hoostiisa wuxuuna bilaabay inuu ka fikiro waxa qaylinaya wuxuu yahay.

Ugu horayntii wuxuu is dhahay: “codkan qaylada ag wax uun weeye”. Wali ma uusan maqal codkan cod lamida sidaas ayuu u qariibsaday codkan oo uu ugu maleeyay in wax saaranyihiin meesha. Wuxuuna ku fekeray in waxa qaylinayaa ay tahay shini.

Mar kale ayuu fikir dheer galay wuxuuna si lamida u maleeyay in waxa qaylinayaa ay tahay shini malab samaynaysa , sidaa darteed wuxuu go’aansaday in uu geedka fuulo si uu u soo cuno malabka .

Wini de buu wuxuu bilaabay in uu geedka ku boodo isagoo qaadaya hees qosol badan . Marba marka ka danbaysana wuxuu usii dhawaanayay meesha qayladu ka baxaysay.

Wini wuxuu ku fekerayay markaas uu geedka fuulayo “maxay shinidu geedka xaga hoose ugu samaysan wayday malabka si ay iigu fududaato inaan soo cuno” . 

Wini de buu wuxuu ku qayliyay ” I caawiya ” kadib markii uu 10 dhudhun in gaadhaysa geedka ka soo dhacay wuxuuna dusha kaga soo dhacay laan geedka kamida oo ka hoosaysay.

Wini isaga ayaa isku jawaabay wuxuuna dhahay “cid i caawisaba meesha ma joogto ” wuxuuna dib u fuulay geedkii laba jibaar intii uu ka soo dhacay oo markan wuxuu fuulay 20 dhudhun in gaadhaysa.

Inta uu geedka fuulay wini de buu isaga ayaa isla sheekaysanayay .

Ugu danbayn wini wuxuu soo gaadhay laantii u danabaysay wuxuuna si qurux badan u fuulay fiiqii ugu sareeyay ee laanta .

Wini wuxuu bilaabay in uu mar kale fikiro wuxuuna xasuustay saaxiibkiis Roobin .

Sidaas darteed wuxuu bilaabay in uu aado saaxiibkiis Roobin , kaas oo ku noolaa ilbaab cagaaran gadaashiisa oo ku yaal qayb kamida kaynta.

Markii uu u yimid wuxuu ku yidhi ” Subax wanaagsan Roobinow”

Roobin wuxuu ugu jawaabay ” Subax wanaagsan Wini de buu”.

Wini de buu ayaa dhahay ” waxaan jeclaan lahaa inaan kaa helo wax sida buufinta oo kale ah ?

“Buufin miyaa?”

“Haa, Anniga oo kaligay iska socda baa waxaan igu soo dhacday , tolow Roobin maka helaysaa Buufin , waana jeclaan lahaa inaa kaa helo.”

“Maxaad ku falaysaa buufinta?”

Wini de buu wuxuu eegay hareerihiisa bal in cidi maqlayso , intuu u soo dhawaaday ayuuna ku dhahay waxaan ku falayaa “Malab!”.

“Laakiin buufin addoon helin malab ma heli kartid!” 

Wini ayaa ku jawaabay “Waan helayaa ” .


Hagaag , waxaa dhacday inaad xaflad ka qayb gashay uu saaxiibkaa Biglet dhiganayay markaa waxaad haysatay buufimooyin xaflada dhexdeeda , addigu waxaad haysatay Buufin cagaara oo wayn , buufin kale oo buluuga oo wayna waxaa haystay bakayle , halka mid kalena ay taalay gadaashiina , sidaa darteed kulaabo xaflada oo soo qaad labbada buufimo ta buluuga ah iyo ta cagaaran.

Roobin ayaa waydiiyay ” midee jeceshahay ?”.

Wini wuxuu u fekeray si fiican , wuuxuna dhahay haddii aad malabka ku doonato buufin shinidu kuma ogaanayso inaad soo weerartay , arinta wanaagsan waxaa weeye inaysan shinidu ku ogaan inaad imaanayso . Haddii aad qaadato buufinta cagaarka ah shinidu waxay ku moodaysaa qayb geedka kamida hadii aad ta buluuga ah qaadato shinidu waxay moodaysaa qayb cirka ka mida kuma ogaanayso , Haddaba su’aashu waxay tahay tee fiican?

Roobin ayaa waydiiyay ” Oo miyaanay ku arkayn markaa waxa buufinta xaga hoose kaga dhagan?.”

“Way ogaan kartaa , mana ogaan karto labbadaba waa macquul ” wini de buu ayaa yidhi sidan ” waxaan isku dayayaa in aan iska dhigo daruur yar oo madow si aan u khiyaamo.”

Roobin ayaa ku jawaabay “markaas wxaaa kuu fiican buufinta buluuga maadaama aad daruur iska dhigayso.”

Labbadoodiiba waxay qaatee buufintii buluuga ahayd iyo qori wini de buu wuxuu aaday meel dhiiqo badan wuxuuna ku galgashay meeshii ilaa uu u ekaaday wax madow . Buufintii markay kor u kacday Roobin wuu ka hadhay waxaana buufintii la duushay Wini de buu ilaa ay la gaadhay cirka meel 20 dhudhun ka saraysa geedka.

Roobin Ayaa dhahay “Macasalaama”

Wini de buu ayaa waydiiyay ” miyaanay fiicnayn? Sideen u ekahay?”

“Waxaad u egtahay bahal yar oo buufin ku dhegan ” waxaa ugu jawaabay Roobin.

Wini de buu ayaa ku jawaabay “miyaanan u ekayn daruur yar oo madow?”

“Maya , aad uguma ekid.”

“Ooh , si fiican , maadaama aan ka sareeyo waxaan u muuqdaa wax duwan. Waana sidii aan sheegay shinidu ima garan doonto.

Geedka agtiisa dabaylo kama dhacayn, wuuna iska joogay. Malabka wuu arki karay, malabka wuu ursan karay, laakiin malabkii ma uu gaadhi karin.

Inyar dabadeed wuxuu u yeedhay Roobin.

Cod qaylo a oo xamxama ayuu ku dhahay “Roobinow”.

“Hallow!”

“Waxaan u malaynayaa Shinidu waxbay tuhumtay”

“Wax nooceeya ?”

“Ma garanayo , Laakiin waxbaa igu leh way shakisantahay!”

“Laga yaabee , waxay ogaatay inaad malabkeed ilaashanayso.”

“Waa laga yaabaa .waligaa uma sheegi kartid shinida.”

Cabaar bay aamuseen . Kadibna mar labaad buu u qayliyay Roobin

“Roobinow!”

“Hee?”

“Gurigaaga Dalad makuu taalaa?”

“Waan u malaynayaa inay taal.”

” Waxaan jeclaan lahaa inaad halkan u soo qaado oo aad marba korka eegto ana waxaan dhahayaa tif-tif sidii roob oo kale adna dalada hadhso si aan u khiyaamno shinida sidii roob soo da’ayo.”

Roobin aad ayuu u qoslay isagoo hoos u leh “Bahal yar oo dhaqan xun weeye” wuxuuna soo qaatay Daladii.

Wini de buu ayaa dhahay ” waa soo laabataye intii aad iga maqnayd shinidii way shakisantahay ilaa hadda “.

” Dalada kor ma geeyaa oo ma hadhsadaa” Roobin ayaa dhahay.

“Haa , balse wax yar isug waa inaan ficil samaynaa . Shinida ta ugu muhiimsan waa boqorada waa inaan yada khiyaamaynaa ma aragtaa ta boqorada ah?”

“Maya”

” waayahay , waxaad samaysaa geedka hoos marmar addoo daladaada sita waxaadna dhahdaa tif-tif sidii in roob soo da’ayo anna waxaan isku dayayaa inaan iska dhigo daruur soo heesaysa Bilowna.”

Markii uu Roobin sidii sameeyay wini de buu wuxuu bilaabay inuu soo heeso isagoo leh.

Daruur jawi wacan baa soo socotee
Dabayl malahoo waa bilaa danaboo
Cirkaa Duniday Ka soo da’dayee
Shiniyeey Duurkiina U wada Durka


Shinnidu wali waxay u guuxaysay si shaki leh sidii hore. Runtii qaar baa buulkoodii ka baxay oo daruurtii oo dhan ka duulayay markii uu bilaabay wini tuduca labaad ee heesta, hal shinni ayaa cabbaar sanka ku dul dhufatay daruurtii, haddana kacday.

“Roobinow” ayuu ku qayliyay

“Hee?”

“Waan fakarayay , waxaana qaatay go’aan muhiima kuwan waa nooc khaldan oo shiniya.”

“Ma kuwan?”

“Xoogaa waa kuwo khaldan . Sidaa darteed wxaan u malayn in ay sameeyaan malab khaldan , miyaanay ahay?”

“Miyay tahayna?”

“Haa , waxaan filayaa inaan soo dego”

“Sidee?” Waxaa waydiiyay Robin.

Wini de buuh ma filanayn in uu malab la’aan soo dego laakiin way dhacday balse xadhig muu wadan uu ku soo dego , sidaa darteed wuxuu dhahay:

“Roobinow waa inaad toogataa buufinta “

Roobin ayaa dhahay “way qarxaysaaye”

Wini ayaa ku jawaabay “hadii aadan toogan meeshan ayaan saarnaan doonaa hadhowna way qarxi doontaa”

Markaas kadib Roobin wxuu bilaabay inuu toogto buufinta isagoo aad uga taxadaraya wuuna toogtay.

“Oow” waxaa dhahay wini de buu

“Miyaan la waayay” Roobin ayaa yidhi.

“Maya si fiican ula maad helin” waxaa dhahay wini de buu

“Waan ka xumahay” roobin ayaa ugu jawaabay.

Intaas kadib mar labbaad ayuu toogtay roobin buufintii wuxuuna la helay Buufintii , buufintiina yadoo gaabinaysa ayay dhulka ku soo dhacday yadoo sida Wini de buu .

Gacmihiisii wini waxay noqdeen kuwo jeexjeexmay sababtoo ah isbuuc ayuu buufin hawada ku haystay markasta oo dukhsi soo korana wuxuu ahaa mid afuufa . Waana sababta loogu bixiyay Buu .