Nagu Saabsan

Hadafka Ririro waa in ay helaan dhammaan caruurta ku nool daafaha adduunka sheekooyin ay u akhrisan karaan si bilaasha. Sheekooyinka waa la akhrin karaa la dejisan karaa sidoo kalena waxaa loo daabacan karaa si online ah, waxayna ka hadlayaan mowduucyo gudo balaadhan oo ay ka midyihiin xoolaha, madadaalada, sayniska, taariikhda, dhaqamada iyo kuwo kaloo badan. Maadaama aan bixinayno sheekooyin kala duwan, waxaan doonaynaa inaan ku dadaalno in ilmo kastaa helosheekooyinka uu xiiseeyo ama kuwa ku haboon deegaankiisa.

Intaa waxa dheer, waxaan rajaynaynaa in agabkayagu ku dhiirigaliyo waalidiinta iyo macalimiinta inay sheeko u akhriyaan carruurta maalin kasta. Ugu horaynta tani waxay ka caawisaa horumarinta luqadda ilmaha. Sheekooyinka kor loogu akhriyo waxay ka caawisaa carruurta inay bartaan erayo iyo weedho cusub, taas oo kordhisa erayada oo ka caawisa inay bartaan naxwaha.

20 daqiiqo oo aad akhrido maalintii waxa aad gaadhaysaa heer aad barato 1.000,000 oo erey sannadkii. Haddii aad akhrido sheeko cusub maalin kasta ilmahaaga , waxaad ilmahaaga baraysaa 15,000 oo kelmadood oo ku cusub sannadkii. Marka la eego celceliska ilmaha lix-jirka ah wuxuu ku hadlaa 4,500 oo eray.

Marka labaad, kor wax u akhrinta sheekad waxay ka qayb qaadan kartaa feejignaanta iyo soojeedka wanaagsan. Marka ilmuhu xiisaynayo sheeko, wuxuu awood u yeelan doonaa inuu si fiican wax u dhagaysto taasoo u horseedaysa feejignaan dheeraada. Tani waxay sidoo kale gacan ka geysan kartaa horumarinta xirfadaha akhriska ee ilmaha.

Saddex, kor u akhrinta sheekadu waxay saamayn togan ku yeelan kartaa korriinka shucuureed ee ilmaha. Sheekooyinku waxay ka caawin karaan carruurta inay fahmaan oo xakameeyaan shucuurtooda. Waxa kale oo ay siin kartaa hab nabdoon oo lagaga hadlo mawduucyada adag.

Marka afraad, kor wax u akhrinta sheekooyinku waxay wax ka tari kartaa xidhiidhka ka dhexeeya waalidka iyo ilmaha. Marka ay waalidiintu wakhti ku qaataan inay kor u akhriyaan sheekada , waxay muujinayaan inay danaynayaan danaha ilmahooda oo ay muhiim yihiin.

Ugu dambeyntii, kor u akhrinta waxay sidoo kale gacan ka geysan kartaa waxbarashada guud ee ilmaha. Sheekooyinku waxay bari karaan carruurta dhaqamo kala duwan, dhacdooyin taariikheed, saynis iyo wax badan oo kale.

Isku soo duu-duub , waxaan isku dayaynaa inaan sheekooyinkayaga ka dhigno mid qof kastaa awooddo in uu akhristo iyo alaabtayadaba . dhammaan alaabahayagu waa bilaash inaad ku dhex isticmaasho fasalka . sidoo kale sheekooyinkayaga waxaad ku akhrisan kartaa 10 luuqadood oo kale . Maka wayday sheeko ama luuqad? Haka wal-walin fariin noo soo dir!.