Sheekada Jaak iyo digirtii

Jaak waxa uu ahaa wiil uu dhalay nin beeraley ah oo faqiir ahaa. Waxay haysteen sac waxayna ku noolaayeen khudaarta beerta. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa lo’dii gaadhay da’dii lo’du ay gudhi jirtay . Jaak ayaa loo diray magaalada si uu u iibiyo lo’da.

Markii uu magaalada ku sii socday, Jaak waxa uu la kulmay oday saaxiibtinimo leh. wuxuuna dhahay odaygii “Waxaan ku siin doonaa digirtan sixirka ah si aan kuugu beddelo sacaas duqoobay.” Jaak wuxuu rabay digirta sixirka . Laakiin markii uu gurigii tagay oo uu hooyadii tusay digirta ayay ka cadhootay oo ka xanaaqday, waxayna tidhi “hadda waxba nooma hadhin miyaa,” way oyday.

Jaak, oo weli si adag u aaminsan digirta sixirka, ayaa go’aansaday inuu beero. isagoo leh “Haddii aysan sixir ahayn, ugu yaraan waxaan awoodi doonnaa inaan cunno,” sidaas ayuu rajaynayay.

Waxaa cajiib ah in digirtu ay habeen qudha kortay oo ay gaartay meel aad uga dhaw daruuraha. Jaak, oo aad u xiiseeynaya digirtu siday ahayd , ayaa kor u fuulay digirtii ilaa laaantii ugu sareeysay u gaadhay . Markii uu meeshii sare gaadhay ayuu soo galay meel nooc kale ah, meel fog ayuu ka arkay qalcad wayn oo qurux badan.

Jaak waxaa soo dhaweeysay gabadh. Waxayna u sheegtay in qalcaddii uu mar lahaa nin geesi ah. Laakin nin weyn ayaa dilay geesigii oo dagay qalcaddii. Xaaskii iyo wiil uu dhalay ninka la dilay ma aysan joogin guriga markii ay dhacdadu dhacaysay oo waxay awoodeen in ay baxsadaan. “Jaak,” ayay tiri gabadhii , “qalcaddaas aabbahaa baa lahaan jiray, hadda adigaa iska leh. Waad soo celshan kartaa, laakiin geesinimadaa ma leedahay? “Waxba kama baqayo,” Jack ayaa dhahay oo si geesinimo leh ugu jawaabay.

“Dhageyso,” ayay tiri gabadhii. “Waa inaad ka soo saartaa laba shay oo qalcadda , digaag soo saara ukumo dahab ah iyo kataarad hadlaysa.” Si geesinimo leh ayuu Jaak albaabka u soo garaacay. Halkaa waxa ka soo jiiday albaabkii qalcadda naagtii aadka u weynayd ee ninku qabay. Waxay tidhi “Waxaad timid waqtigii saxda ahaa! Waxaan u baahanahay shaqaale cusub. Sida aan leeyahay yeel, haddii kale ninkaygaa ku cunaya, sidii uu u cuni jiray kuwii kale ee kaa horreeyey. Laakiin si fiican ayaan kuu qarin doonaa.

Wax yar ka dib ayaa odaygii waynaa yimi guriga. Jaak waxa lagu qariyay armaajada ama kabadhka jikada oo waxa uu maqlay guuxa weyn: “Alla maxaa farxad ah, waxaan urinayaa wiil yar. hadduu nool yahay iyo hadduu dhintayba, isagaan kimistayda ku goosan doonaa. “Maya gacaliye,” ayay tiri naagtiisii. “Waxaad uraysaa hilibkan maroodiga ah ee yaabka leh!” Waxayna miiska saartay saxan wayn oo hilib leh. Maalmo badan Jack waxa uu ku qasbanaaday in uu hawlo u qabto odayga wayn gurigiisa. Fiid walbana waxay ku celisaa naagtu kabadhka ama armaajada.

Habeen habeenada ka mid ah, Jaak ayaa isha ka soo dusiyay daloolka furaha oo wuxuu arkay odaygii oo digaag wata. Digaagga waxa ay dhashay ukun dahab ah. Intii lagu jiray habeenkii , odaygii wuu seexday. Jaak armaajadii ayuu ka soo booday, digaaggii ayuu qabtay, oo wuxuu ku orday geedkii digirta oo uu hoos buu fuulay.

In yar ka dib Jack mar kale ayuu kor u fuulay digirta. Naagtii weynayd waxay ahayd mid yara indho la’. Markaasay haddana ku sii shaqaysatay sidii addoonkeedii. Intii ay fiidkii ahayd ayuu odaygii weynaa bilaabay inuu tiriso shilimaad dahab ah, laakiin wuu seexaday. Jaak si degdeg ah ayuu jeebkiisa uga buuxiyey qadaadiicdii uu ka seexday odaygu wuxuuna u orday gurigoodii.

jaak mar sadexaad buu ku soo laabtay qalcadii oo wuxuu soo doontay kataaradii inuu qaato wuxuuna u ymi odaygii oo hurda kataaradiina dul taalo maadaama intuusan seexan ay xaaskiisu u garaacday.

Jaak wuxuu qaatay fursadiisa oo wuxuu qabsaday kataarad. Kataaradii baa qaylisay oo tidhi, Sayidow, sayid! odaygii ayaa hurdada ka kacay, Jaak ayaa u orday geedkii digirta. odaygii baa ka daba orday. Jack ayaa u yeedhay hooyadii: “hooyoy Faska ii keen!” Wuxuu si degdeg ah u bilaabay inuu jaro geedkii digirta ahaa.odaygii intuu ka soo dhacay digirta ayuu dhulka ku dhacay. Taasi waxay ahayd dhamaadka odaygii xumaa.

Gabadhii ayaa dib u soo baxday. “Jack,” ayay tidhi. “Waxaad u dhaqantay sidii wiil geesi geesi ah dhalay. Waa waqtigii aad ku noqon lahayd qalcaddiina. ” Markan gabadhii baa soo raacday.

Intii ay sii socdeen waxay ku hakadeen tuulo. gabadhii ayaa dadkii la hadashay, “wiilkii baa soo noqday. Wuxu dilay ninkii weynaa ee wax walba kaa qaatay”. Dadku waxay u hamuun qabeen inay caawiyaan Jaak inuu ka takhaluso odaygii naagtiisa weyn. naagtii Waxay aragtay dadkii badnaa ee is-jiidjiidkii weynaa oo u socda, wayna ka baxday qalcadii degdeg intii ay kari kartay bayna carartay.