Sheekada Dahabo iyo sadexdii madaxkuti

Beri hore waxaa jirtay inan yar oo timaheeda ay aad jaale u dhalaalaya u ahaayeen sida dahbka oo kale . Sababtaas awgeed, waxaa loogu yeeri jiray Dahabo.

Maalin maalmaha ka mid ah, Dahabo ayaa gashay seere si ay ubaxyo u soo urursato. Intay meer-meertay, muddo ka dib, waxay soo gashay kayn aanay hore u arkin. Kadibna waxay sii aaday dhinaca duurka, aad bay u qaboobayd kayntu oo hadh bay ahayd.

Wax yar ka dib, waxa ay timi guri yar, oo gabi ahaanba kaynta ku go’doonsan, daal iyo harraad darteed, ayay albaabka soo garaacday. waxa ay rajaynaysay in ay halkaas ku nool yihiin dad wanaagsan oo wax ay cabto siiya sidoo kalena ay ku nasato cabaar.

Dahabo ma garanayn, laakiin gurigan waxaa lahaa saddex madaxkuti. Waxay aahyeen madaxkuti aabe ah mid hooyo ah iyo mid yar oo ay dhaleen oo dahabo ay is le’egyihiin. Saddexdii madaxkuti ayaa hadda uun u baxay in ay tamashle tagaan kaynta. Markaa markii ay Dahabo albaabka soo garaacay, qofna uma jawaabin.

Cabbaar ayay sugtay oo haddana mar kale garaacday. Markay cidi u jawaabi wayday ayay albaabkii furtay oo gudaha u soo gashay. waxay aragtay Saddex kursi oo isku xiga. Kursiga hore wuxuu ahaa kursi weyn. Wuxuu ahaa kursigii Aabbaha. Kursiga xiga wuxuu ahaa kursi dhexdhexaad ah. Wuxuuna ahaa kursigii Hooyada. Midka ugu dambeeya wuxuu ahaa kursi yar. Wuxuuna ahaa kursiga Madaxkutida yar. Miiskana waxa saarnaa saddex maddiibadood oo boorasha. “Sidaas darteed,” Dahabo waxay u maleeysay, “dadku waxay soo laaban doonaan dhawaan si ay u cunaan boorashkooda.”

Waxay damacday inay fadhiisato oo ay nasato ilaa ay ka imanayaan. Markaa waxay markii hore ku fadhiisatay kursigii weynaa, laakiin barkintu aad bay u jilicsanayd oo aad bay u weynaaday. Waxay u muuqatay inay ku dhex luntay. Dabadeed waxay ku fadhiisatay kursigii dhexdhexaadka ahaa, laakiin barkintu aad bay u adkayd. Intaa ka dib, waxay ku fadhiisatay kursigii yaraa, waana sax. Sidii iyada loo sameeyay ayuu u le’ekaaday. Dahabo ayaa ku fadhiistay kursigii oo si tartiib ah isugu ruxday hor iyo gadaal.

Wali guriga qofna ma joogin, oo waxay eegtay maddiibadihii boorashka ee miiska saarnaa. “Waxay u badan tahay inaysan ahayn dad aad u gaajeysan,” Dahabo waxay nafteeda iska tidhi, “ala maxay hore u iman waayeen guriga si ay cashadooda u cunaan.”

Maddiibaddii kowaad waxay ahayd maddiibad weyn oo ay ku jirtay qaaddo weyn oo alwaax ah. Maddiibaddan waxaa iska lahaa Aabbaha Madaxkutida. Maddiibada labaad waxa ay ahayd mid dhexdhexaad ah, oo ay ku dhex jirtay qaaddo alwaax ah oo dhexdhexaad ah. Maddiibaddan waxaa iska lahayd hooyada. Maddiibadda saddexaadna wuxuu ahaa maddiibad yar, oo waxaa ku jirtay malqacad yar oo qalina. Maddiibaddan waxaa iska lahaa Madaxkutida yar. Boorashkii ku jiray maddiibadihii ayaa aad u urayay oo dahabo waxay go’aansatay inay dhadhamiso.

Intay qaadda weyn qaadatay ayay dhadhamisay boorashkii weelkii weynaa, laakiin boorashku aad buu u kululaa. Dabadeed waxay soo qaadatay malqacaddii dhex dhexaadka ahayd, waxayna dhadhamisay boorashkii ku jiray weelka dhexdhexaadka ah, laakiin boorashkani aad buu u qaboobaa. Intaa ka dib, waxay soo qaadatay malqacaddii yarayd ee qalinka ahayd, waxayna dhadhamisay boorashkii weelkii yaraa. Boorashkan ayaa sax ahaa oo ay u dhadhamisey si aad u macaan oo ay wada cuntay.

Markii ay wax cuntay ayay hurdo dareentay, markaasay kor u kacday. Waxaa jiray saddex sariirood oo isku xiga. Sariirta ugu horeysa waxay ahayd sariir weyn oo uu lahaa Aabaha. Sariirta labaad waxay ahayd sariir dhexdhexaad ah oo ay lahayd Hoyada. Sariirta saddexaad waxay ahayd sariir yar oo qurux badan oo ay lahayd madaxkutida ta yar.

Dahabo ayaa markii hore ku jiifsatay sariirta weyn, laakiin barkintu aad bay u sarraysay oo way ku raaxaysan wayday. Dabadeed waxay ku jiifsatay sariirta dhexdhexaadka ah, laakiin barkintu aad bay u hoosaysay, taasina sidoo kale ma ahayn mid raaxo leh. Intaa ka dib, waxay ku dul jiifsatay sariirtii yarayd ee uu ay lahayd ta yar, waana sax. Sariirtii aad bay u wacnayd oo halkaasay iska joogtay ilaa ay hurdo weyn la dhacday.

Iyadoo Dahabo weli ku huruda sariirta yar, saddexdii madaxkuti ayaa ku soo noqday guriga. Isla markii ay albaabka ka soo galeen oo ay hareeraha eegeen, waxay ogaadeen in qof gurigooda ku jiro.

“Qof ayaa ku fadhiistay kursigeyga,” ayuu si cod dheer ugu qayliyay Aabbihii , “oo barkintii kaga tagay yadoo jactadsan.”

“Oo qof ayaa sidoo kale ku fadhiistay kursigeyga oo uga tagay laalaab,” ayay hooyadii tidhi.

“Oo qof ayaa kursigayga ku fadhiistay wakhti dheer,” ayay ku qaylisay madxkutidii yarayd.

Dabadeed saddexdii Madaxkuti waxay aadeen miiska si ay u soo qaataan boorashkoodii.

“Maxaa halkan ka dhacay?” Aabbihii ayaa qayliyay. “Qof ayaa dhadhamiyey boorashkayga oo wuxuu kaga tagay qaaddada miiska dushiisa.”

“Oo qof ayaa sidoo kale qubay qayb ka mid ah boorashkayga ,” ayay tidhi Hooyadii.

“Oo qof baa dhadhamiyey boorashkayga,” tii yarayd ayaa ku dhawaaqay codkeedii sare. “Oo waxay dhadhamiyeen wax badan ilaa ay ka dhammaysteene.” ayay mar labbaad tidhi tii yaraydi, waxayna u muuqday mid murugaysan.

“Haddii qof halkan joogay, waxaa laga yaabaa inuu weli ku jiro guriga,” ayay tiri Hooyadii. Markaasay saddexdii madaxkuti kor u fuuleen si ay u eegaan.

Marka hore, Aabbihii wuxuu eegay sariirtiisa. “Qof ayaa sariirtayda ku jiifay oo daboolkii ka saaray,” ayuu ku qayliyey codkiisii cuslaa. Dabadeed Hooyadii waxay eegtay sariirteeda. “Qof ayaa sidoo kale sariirtayda ku jiifay oo barkintii iga qaaday,” ayay hooyadii tidhi. Dabadeed Tii yarayd ayaa eegtay sariirteedii, waxaana meesha jiiftay Dahabo timo Dahab oo dhabannadeeda casaanka ah sida ubaxa oo kale ahayeen , timaheeda dahabiga ahna barkinta oo dhan ku fidsan tahay.

“Qof ayaa sariirtayda ku jiifa,” tii yarayd ayaa si farxad leh u qaylisay, “walina way joogtaa!”

Markii Dahabo riyooyinkeeda ku maqashay codka culus ee Aabbaha Bear, waxay ku riyootay inuu yahay onkod cirka ka dhacaya. Oo markay maqashay codka dhexe ee Hooyada Bear, waxay ku riyootay inuu yahay dabaysha geedaha dhex wareegaysa. Laakiin markii ay maqashay codka sare ee Madaxkutida yar, aad buu u qaylo sarreeyey oo isla markiiba wuu toosiyay. Sariirta ayay ku fadhiisatay, waxaana soo eegayay saddexdii madaxkuti.

“Alla, gacaliyeyaalow!” ayay ku oyday Dahabo. Sariirtii ayay ka soo dhacday oo dariishada ama daaqaday u carartay. Way furnayd, wayna soo boodday intaan kuma joojin. Dabadeed sidii ay kari kartay ayay u orodday, dibna ugamay soo dhowaan kaynta. Laakiin Madaxkutidii yarayd ayaa ooyday ilmo weyn sababtoo ah waxay rabtay inay la ciyaarto gabadha yar ee quruxda badan.