Sheekada Sadexdii doofaar ee yar-yaraa

Beri hore waxaa jiray ,doofaar hooyo oo da’ ah oo haysatay saddex doofaar. Nasiib darro, ma aysan haysan cunto ku filan oo ay ku ilaaliso, sidaas darteed waxay u dirtay iyaga si ay u raadiyaan nasiibkooda.

Doofaarkii hore markuu baxay, wuxuu la kulmay nin guntin caws ah sita. Doofaarkii ayaa yidhi, “Mudane, fadlan cawska i sii si aan guri u dhisto”. Ninkii caws buu siiyey, doofaarkiina cawskii buu guri ka dhisay. Wax yar ka dib, waxaa soo maray yey weyn oo xun. Albaabkii ayuu garaacay oo yidhi, “Haye, doofaar yar, ma soo galaa.”

Doofaarkii ayaa ku jawaabay, “Maya, maya, maaha gurigaad mooday maya.”

“Kadibna waan dumin doonaa guriga intaan afuufo oo waan baa bi’inayaa,” ayuu yeygii yidhi. Sidaas ayuuna yeelay. Wuu riixay oo afuufay, oo albaabkiina wuu jabiyay. Doofaarkii yaraa ayaa si degdeg ah ugu cararay meeshii.

Walaalkii oo ahaa doofaarka labaad, ayaa la kulmay nin xidhmo qoryo ah sita. Doofaarkii ayaa yidhi, “Mudane, fadlan ulaha i sii si aan guri u dhisto”. Ninkii ayaa ulihii siiyey, doofaarkiina ulihii ayuu guri ka dhistay. Isagoo gurigiisa dhex fadhiya isagoo kibir iska dareemaya ayuu maqlay albaabka oo lagu garaacayo. Wuxuu ahaa walaalkiis ka yar. “Yeydii ayaa gurigeygii iga dumisay! Fadlan halkaan ma joogi karaa?”

“Dabcan, gurigaygu wuxuu ka samaysan yahay ulo, hubaal waa ammaan!” walaalkii ayaa yidhi.

Dabadeed yeygii waynaa ee xumaa ayaa soo ag yimi gurigii ulaha ka samaysnaa, oo yidhi, haye doofaar yar, ma soo galaa.

Doofaarkii ayaa ku jawaabay, “Maya, maya, maaha gurigaad mooday maya.”

“Kadibna waan dumin doonaa guriga intaan afuufo oo waan baa bi’inayaa,” ayuu yeygii yidhi. Sidaas ayuuna yeelay. Wuu riixay oo afuufay, oo albaabkiina wuu jabiyay. Doofaaradii yaraa ayaa si degdeg ah ugu cararay meeshii.

Doofaarkii saddexaad ayaa la kulmay nin sita leben ama bulukeeti. Doofaarkii ayaa yidhi, Fadlan, mudane, i sii bulukeetiga si aan guri u dhiso. Ninkii wuxuu siiyey lebenkii, doofaarkuna guri buu ka dhistay.

Isagoo gurigiisa dhex fadhiya ayuu maqlay albaabka lagu garaacayo. Waxay ahaayeen walaalihiis! “Yey baa guryaheennii soo dumiyay! Fadlan halkaan ma joogi karnaa?

“Dabcan, gurigaygu wuxuu ka samaysan yahay leben, waa hubaal hubaal!” walaalkii ayaa yidhi. Laakiin yeeygii hubaal wuu iman doonaa halkan. Aan samayno qorshe aan ku hubinno inaanu mar dambe na dhibin.” Haddaba saddexdii doofaar ee yaryaraa waxay la yimaadeen qorshe. Oo sidii doofaarku saadaaliyay, yeeygu wuxuu yimid gurigiisa…

Dabadeed yeygii waynaa ee xumaa ayaa soo ag yimi gurigii ulaha ka samaysnaa, oo yidhi, haye doofaar yar, ma soo galaa.

Doofaarkii ayaa ku jawaabay, “Maya, maya, maaha gurigaad mooday maya.”

“Kadibna waan dumin doonaa guriga intaan afuufo oo waan baa bi’inayaa,” ayuu yeygii yidhi.

Haddaba yeygii wuu riixay oo riixay oo riixay, balse albaabkii wuu dumin kari waayay. Durbadiiba waxa uu gartay in aanu ka furi karin albaabka isaga oo riixaya.

Dabadeed, dabcan, yeeygii wuu xanaaqay oo wuxuu go’aansaday inuu kor kaga yimaado doofaarrada.

Laakiin saddexdii doofaar ee yaryaraa way garteen waxa uu damacsanaa in uu sameeyo, waxayna ka soo laadlaadiyeen baaldi biyo kulul ah xga sare. Oo isla markii ay yeeygii soo fuulay, ayay daboolkii ka qaadeen biyihii kululaa . Uumigii kulul ayaa gaadhay yeeygii weynaa ee xumaa oo aad ayuu u qayliyay!.

Ahaa, uu, uu! Alla doofaaroow! maalin baan ku heli doonaa!” yeygiina intuu awooday ayuu u cararay.

Oo intaas ka dib? Yeeygii waynaa ee xumaa dib ugumama soo noqon, aad buu uga baqay saddexdii doofaar ee yaryaraa ee caqli badnaa.

Doofaarradi Waxay ku wada noolaayeen farxad weligood, iyagoo wada deggan guri leben ka samaysan.